Mail List
Khayrfale Login
Nala Soo Xiriir


Hay'adda Kafaalo oo seminar u soo xirtay,qalabna guddoonsiisay
Hay'adda Kafaalo ,qaybteeda wacyigalinta iyo waxbarashada ayaa seminar u soo xirtay,qalabna guddoonsiisay ardayda Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Garoowe.Seminarkaas oo socday mudo 2 maalmood ah.

Gudoomiye kuxigeenka Kafaalo Eng Mukhtaar Qoransay ayaa markii uu soo dhamaaday seminarku gudoonsiisay gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika faraceed Garoowe, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf qalab waxbarasho,laptops ay ku jiraan duruus kale duwan oo ardaydu uga faa’iideysan karto kocinta aqoontooda.

Seminarkan waxaa qayb ka ahaa wafdiyo kale duwan oo kale kale yimid dalka gudihiisa iyo debadiisaba.Wixii intaas dheer sawirada hoose si wacan uga sii dheeho.
 
Tirada Martida: 4702 - Update ugu danbeeyay: 22-12-2013