Mail List
Khayrfale Login
Nala Soo Xiriir


Wargelin canshurdhimista (skatteetaten)
Waxaan dhamaan khayrfalayaasha Kafaalo ku wargelinaynaa in Kafaalo loo asixiyay inay u dalban karto khayrfalayaasheeda in loogasoo celiyo canshurta lacagaha ay ugu deeqaan Kafaalo sanad walba (gavefradrasordning). Lacagaha qofka canshuurta loogasoo celin karo waa u yaraan kr. 500 iyo u badnaan kr. 12000.

Si khayrfalahu u helo fradrag(canshur-dhimis) waxaa Kafaalo laga rabaa inay Agaasinka canshuuraha(skattedirektoratet) u gudbisa macluumaad ku saabsan qofka canshuurdhimis dalbanaya magaciisa, dhalashadiisa iyo lacagta uu bixiyay sanadkii u dambeeyay. Waxaan sidaa awgeed ka codsanaynaa xubnahayaga doonaya in aan u dalabno canshurdhimis sanadka 2013 inay noosoo diraan macluumaadkaas kor ku xusan. Yacni: Magaca iyo dhalashada 11-ka nambar(fødselsnummer). Lacagta uu qofka bixiyay inagaa buuxinayna. Macluumaadkan waxaa amni ahaan noogusoo diri kartaan telefanadan soo codo: +4799864331 ama +4796958534 u dambayn 05 jan 2014.

Qofkii soo dalbada inaan u dalabno canshuurdhimis waqtigaas wixii ka dambeeya, waqtiga wuu ka dhacayaa oo uma dalbi karno waayo inaga lafteena waqti kama dambays ayaan haysanaa oo ah 20 jan 2014.

Wixii faahfaahin oo arinkan ku saabsan waxaad lasoo xiriiri kartaan isla nambaradaas kor ku qoran.
 
Tirada Martida: 6232 - Update ugu danbeeyay: 12-12-2013