Mail List
Khayrfale Login
Nala Soo Xiriir


Daahfurka Kafaalo Magazine 2014
Taarikhdu maalintii ay aheyd 01. March 2014 ayaa waxaa Xafiiska Guud ee Kafaalo ee magaalada Oslo, lagu daahfuray Kafaalo Magazine 2014 oo qorshihiisu ahaa inuu soo baxo 1-da bishan. Shirkaas ayaa waxaa lagu casuumay qaybo kamida waxgaradka kala duwan ee Oslo Norway.

Ujeedka shirka ayaa ahaa daahfurka Kafaalo Magazine 2014 iyo inay waxgaradkaas kadhiibtaan talooyin, fikrado, tusaaleyn, dhaliilo iyo su’aalo ku aadan magazine-ka iyo sidii loo sii hormarin lahaa.

Kafaalo Magazine 2014 waa daabacadii 3aad oo ay ka horeeyeen 2012 iyo 2013. Wuxuuna midka sanadkaan ka kooban yahay shan qaybood oo qaybtiiba kasii kooban tahay dhawr maqaal. Shantaas qaybood ee guud ayaa kala ah:
1. Aqoon Guud
2. Waxbarasho iyo Tarbiyo
3. Taariikh iyo Diin
4. Siyaasadda & Arimaha Bulshada
5. Dhaqaalaha

Midka sanadkan wuxuu kuwii hore kaga duwan yahay in lagu soo kordhiyay iswaydiimo badan iyo jawaabahooda, mawduucyo goosgoos ah oo ku saabsan tarbiyadda caruurta, taarikhda Sh. Maxamed Cabdi Umal iyo waxyaalo kale. Waana magazine uu ka faa’iidayo qof walba oo akhriya luqadda Soomaaliga.

Waxaad kasoo dalban kartaa goobahan hoose: Email ahaan: km@kafaalo.com


Norway Kala Xiriir Tel
Oslo Xafiiska Kafaalo –
Maxamed Faarax +47 944 38 633
Bergen
Cabdul Axmed +47 906 702 73

Sweden
Gøteborg & nawaaxigeeda
Maxamed Aadan +46 737 310 541

Stockholm & Nawaaxigeeda
Cabdirisaaq Xuseen +46 762 639 949

Dalane & dhanka Waqooyiga Sweden Mursal Ciise +46 707 794 977

Denmark
Copenhagen
Cabdiwahaab Salaad +45 311 23 272
 
Tirada Martida: 3714 - Update ugu danbeeyay: 06-03-2014